Ra’iisal wasaare C/wali oo gaaray magaalada Garoowe

by admin | Friday, Oct 10, 2014

Cabdiweli-Sheekh-AxmedGaroowe : HN :– Wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Max’ed ayaa goor dhaw gaaray magalada Garaawe.

Madaxda ugu sareysa Puntland iyo boqollaal dadweyne ah oo ruxayey calamo iyo caleemo qoyan ayaa wafdiga Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha, waxaana intaas kadib loosoo gudbiyey dhanka madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka oo kasoo jeeda deegaanada Puntland waxaa la filayaa in muddo dhowr maalmood ah uu Puntland ku sugnaado.

Inta uu Garoowe joogo wuxuu la kulmi doono madaxda Puntland, isimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana arinta ugu weyn ee uu kala hadli doonaa tahay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhex aloosan labada dhan.

Waa booqashadii ugu horeysey ee C/weli Sheekh Axmed kusoo gaaro deegaanada Puntland tan iyo markii uu xafiiska la wareegey bishii December ee sanadkii hore, waxayna kusoo aadeysaa xilli uusan wanaagsanayn xiriirka u dhexeeya Punltand iyo Dowladda Federaalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!