Ra’iisal wasaare C/wali oo ka digay firxadka Al-shabaab

by admin | Monday, Oct 6, 2014

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed Max’ed ayaa dalalka deriska ujeediyay inay feejignaan muujiyaan si aanay ugu gudbin firxadka maleeshiyada Al-Shabaab ee looga adkaaday howlgalka Badweynta Hindiya ee ka socda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay Muqdisho si wadajir u qabteen isaga, wasiirrada arrimaha gudaha, amniga qaranka, gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka iyo nabad-sugidda ayaa sheegay in howlgallada milateri ee socda uu ujeedkoodu yahay in xididdada loogu siibo Al-Shabaab.

Dhallinyarada u dagaallanta Al-Shabaab ayuu kula taliyay inay ka faa’ideystaan waqtiga ka haray 45-ka cisho ee ay dowladdu u qabatay640x480xRWCabdiweli-Sheekh.jpg.pagespeed.ic.VmzhGKVeTc inay isku soo dhiibaan.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen howlgalka Badweynta Hindiya iyo qabsashada degmada Baraawe oo Al-Shabaab u ahayd goob muhiim ah oo ay ka soo abaabuli jirtay falalka argagixiso.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaqiijiyay in la isku furi doono waddooyinka gobollada laga saaray Al-Shabaab, isagoo xusay inay geyn doonaan gurmad degdeg ah iyo ciidamo isugu jira boolis iyo nabad-sugid.

Hiiraan Net,.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!