Ra’iisal wasaare C/wali oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Jen Cumar Xaaji Masalle

by admin | Tuesday, Nov 25, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdwali Sheekh Axmed Max’ed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dhammaan qoyska,qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Marxuum  Cumar Xaaji Masalle, oo xalay ku geeriyooday magaalada Lassester ee dalka Ingiriiska.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa tilmaamay marxuumku in uu ahaa muwaadin jecel horrumarka iyo nabadda Soomaaliya, isla markaana ahaa shakhsi jecel in Soomaaliya ay dib gacmaheeda isu taagto.

“Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, maanta ummadda Soomaaliyeed waxaa ka tagey mid ka mid ah geesiyaashiiCabdiweli-Sheekh-Axmed iyo halgamayaashii naftooda u hibeeyey u adeegidda qarankan, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cumar Xaaji Masalle” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ugu dambeyn tilmaamay in marxuum Cumar Xaaji Masalle door muuqda uu ka qaatay shirarkii dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaalida loogu qabtay Jabouti, Addis Ababa, iyo Qaahira dowlad bur-burkii kadib.

Marxuum Cumar Xaaji wuxuu ku biiray ciidamada qalabka sida sanadkii 1960. Wuxuuna taliyaha ciidanka lugta ka gaaray darajada sareeye Gaas, waxa uu xilal kala duwan iyo shaqooyin u soo qabtay qarankan weyn ee Soomaaliya waxana ugu muhiimsanaa xilka wasaaradaha Gaashandhiga iyo caafimaadka xiligii ay jirta dowladdii dhexe, isagoo sidoo kale soo noqday xildhibaan dowladii carta lagu soo dhisay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!