Ra’iisal wasaare C/wali oo rajo ka qaba in la dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha

by admin | Saturday, Nov 1, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la xaliyo maalmaha soo socda khilaafka isaga iyo Madaxweynaha u dhaxeeya, kaasoo ka dhashay isku shaandheyntii uu todobaadkii hore sameeyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaare C/wali oo wareysi ku siiyay xafiiskiisaTelefishinka eNCA ee laga leeyahay dalka Koofur Afrika ayaa sheegay inuu wali jiro xiriiro isaga iyo Madaxweynaha u dhaxeeya, waxaana uu tilmaamay inuu rajeynayo in wax walba wada hadal lagu dhameeyo.

“Kala duwananshaha aragtida waxaa lagu xaliyaa wadahadal iyo kordhinta wadahadalka , shalay waxaan ku sugneyn garoonkacabdiweli1 diyaaradaha waxan yeelanay xiriir waxaan ka doodnay sida loo xalin karo kala aragti duwanaanshaha, waxaan rajeynayaa in maalmaha soo socda horumar laga sameeyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Telefishinka eNCA ee laga leeyahay dalka Koofur Afrika.

25-kii bishii tagtay ee October ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha uu isku shaandheyn lama filaan ah ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, oo uu Wasaaradaha u kala bedelay, taasoo uu Madaxweynaha uu ka hor yimid.

Madaxweynaha ayaa war uu xafiiskiisa ka soo saaray ku sheegay in isku shaandheyntaas ay waxba kama jiraan tahay, isla markaana ku wargeliyay Wasiir walba inuu shaqadiisa sii wato oo aanu dhag jalaq u siin warka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa soo baxaya loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya labada mas’uul, iyadoo arbacadii la sii dhaafay shirkii ay la qaateen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon laga dareemayay in aanay wali isku faraxsaneyn.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!