Ra’iisal wasaare C/wali oo shacabka Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyay munaasabad ciidda

by admin | Friday, Oct 3, 2014

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta kale ee muslimiinta ah ee caalamka ugu hanbalyeeyey munaasibadda Islaamiga ah ee Ciidul Axdaa. Isagoo dadka Soomaaliyeed u rajeeyay inay nabad ku ciidaan, kuna gaaraan ciidan ciideeda horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo.

Mudane C/weli Sheekh ayaa sheegay in ciiddan ay kusoo beegmeyso xilli horumar laga sameeyey siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha dalka, Isla-markaana dadaalada geedi-socodka dawlad-dhisidda Somalia ay marayaan meeshii ugu wanaagsanayd, iyadoo sannadba sannadka ka danbeeya uu dalku kasoo hagaagayo oo aan marna dib loo noqon doonin.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray in xukuumaddiisu ay ku dadaalayso sidii ay dalka ku gaarsiin lahayd marxalad uu ka guuleysto caqabadaha horyaalla, uuna isku fillaasho ka gaaro maareynta dhammaan amuurihiisa gudaha.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay dowladda ku garab-is-taagaan dadaalka ay ugu jirto suggiddaRa'iisul_wasaaraha_cusub_ee_Somalia_1 ammaanka iyo xoojinta dawladnimada; iyadoo loo marayo qorshayaasha iyo siyaasadaha Qaran ee ay hormuudka ka tahay xukuumaddiisu iyo heshiiska bulsho ee ay wada gaareen dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa la gaaray xilligii laga wada-qayb-geli lahaa halganka Qaran ee dib loogu astaynayo Soomaaliya, dal waxaa dhisa dadkiisa taasoo muhiim u ah adkaynta dowladnimadeenna iyo midnimadeenna, isla markaana ay dadku qaataan nabadda, wax-wada-yeelashada iyo wada-noolaanshaha,” ayuu ku yiri ra’iisul wasaaruhu qoraal uu soo saaray maanta.

Ra’iisul wasaare C/weli ayaa ugu baaqay dadka nabadda diiddan inay ka waantoobaan rabshadaha iyo daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, damacoodana ku raadiyaan jidka nabadda, wadahadalka iyo is-dhegeysiga. Isagoo dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab ugu baaqay inay ka faa’iideystaan waqtiga kooban ee ka haray cafiska ay dowladdu u fidisay.

“Waxaan shacabka Soomalaiyeed meel kasta oo ay ka joogaan leeyahay ku ciida nabad iyo farxad. Waxaan Illaah ka baryayaa inaynu ciiddan ciiddeeda ku gaarno nabad iyo horumar laga sameeyo dib-u-dhiska dalka iyo adkaynta dowladnimadeenna,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyntiina wuxuu yiri. “Waxaan rajaynayaa in farxadda ciidda ay adkayso midnimada iyo walaaltinimada dadka Soomaaliyeed oo dhan iyo wax-wadaagga dadkeennu ku sifoobay.”

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!