Ra’iisal wasaare C/wali oo shir deg deg ah la leh golihiisa wasiirrada

by admin | Monday, Oct 27, 2014

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Max’ed ayaa lagu waramayaa in kulan albaabada u laaban yihiin kula leeyahay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya xubaha golihii wasiirrada.

Sida ay sheegayaan wararka Ra’iisul Wasaaraha ayaa shir gudoominaya shirkan, inkastoo ay adag tahay inaan helno ajandayaasha shirka, waxaana shirka ku sugan qaar ka mid ah xubnihii Wasiirada ahaa ee isku shaandheynta lagu sameeyay Wasaaradahooda oo lagu kala bedelay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu kulankan daba joogo isku shaandheynta, isla markaana Ra’iisul Wasaaruhu ku wargelinayogolaha_wasiir-740x493 Wasiirada qaar ee dhiman in la isku shaandheyn doono.

Sidoo kale warar kale ayaa iyana sheegaya in xilalka ay kala wareegi doonaan wasaaradaha la isku bedelay, iyadoo wasiir kastaba uu dhigiisa kale ku wareejinayo document wasaarada uu haayo, hase ahaatee warkaas wali ma cada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu gaashaanka ku dhiftay isku shaandheyntii uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana wasiir walba ku amray in howshii lagu ogaa uu sii wato, oo aanay saameyn warka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!