Ra’iisal wasaare C/wali oo soo dhaweyntiisa looga diyaargaroobayo magaalada Garoowe

by admin | Thursday, Oct 9, 2014

cabdiweli1Garoowe : HN :– Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed aya markii ugu horreeysay booqanaya Puntland,waxaana xilligan socda qorshaha soo dhawayntiisa.

Puntland ayaa guddi gaar ah u magacowday soo dhaweynta Cabdiweli Sheekh Axmed,waxaana soconaya qaban-qaabooyin ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa raysul-wasaaraha ,iyadoo qaar kamid ah bilicda magaalada la sii hagaajiyay.

Xubin ka mid ah guddi loo xilsaray soo dhawyanta ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay”Soo dhawaynta waxay noqon doonta mid ballaaran oo ka dhigan midii ugu saraysay soo dhawayn loo sameeyo wafdi ka socda faderaalka”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in laba maalin ka dib oo ku beegan 11-ka bisha uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Ma jirto cid shaacisay gudda loo xilsaray soo dhawaynta wasiirka koobad ee xukuumadda Soomaaliya,balse waxaa la sheegay in arrinta si gaar ah loogu magacaabay wasiirrada arrimaha gudaha iyo haweenka in ay diyaariyaan qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo raysul-wasaare C/weli oo markii ugu horeysay booqasho ku imaanaya gobolka.

Safarka uu ku imaanayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Puntland waxaa la sheegay inaysan ku ekaan doonin Garoowe oo u tagi doono magaalooyin ka tirsan Puntland,waxaana booqashada la sheegay muddo ku dhow toddobad inay qaadanayso.

Xilliga uu Garoowe soo gaaro waxaa lugu wadaa madaxweynaha Puntland in ay ka wada hadlaan arimo la xiriira dib u soo celinta xiriirkii federaalka iyo maamulka oo ahaa mid aan caga badan ku taagneyn ka dib markii labada dhinac uu khilaaf soo kala dhex-galay bilo ka hor.

Qorsha imaatin ee ra’iisal wasaaraha Puntland waa mid lugu doonayo in xal-laga gaaro khilaafyadii horey u jiray waxaana dhowr jeer oo hore ay dowladda Somaliya ku celisay in Puntland ay kala hadli doonaan mugdiga keenay in xiriirka labada dhinac uu istaago.

Dhawr mar oo hore ayuu ra’iisul wasaare C/weli ka baaqday booqasho uu ku iman lahaa Puntland taasoo illaa hadda aan la ogayn sababta rasmigaa ee ka danbaysa.

Dad badan ayaa aaminsan in haddii uu ra’iisulwasaaraha yimaado Puntland wax badan ay iska badali doonaan khilaafka gaamuray ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda faderaalka Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!