Ra’iisal wasaare C/wali”Puntland waa meel ay ka bilaaban karto dowladnimada

by admin | Sunday, Oct 12, 2014

Garoowe : HN :– Ra’iisl wasaare C/wali Sheekh Axmed Max’ed ayaa wali ku sugan Puntland,isagoo sheegay inuu la dhacsan-yahay joogistiisa caasimada Garoowe.

Ra’iisal wsaaraha ayaa ku tilmaamay Puntland meel ay ka billaaban karto dowlad-nimada Soomaaliya,wasiirka koobad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin wax kala xadidaya dowladda faderaalka iyo Puntland.

Garoowe waxaa ka socda oo maalintii labaad galay shir lugu doonayo in lugu soo afjaro khilafka Puntland iyo dowladda dhexe eekoofi dalka,waxaana ra’iisul wasaaraha uu sheegay inuu ku raja weyn yahay xiriir wanagsan oo dhex mara dowladda iyo dadka ku nool dhulka uduga.

Waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta ka soo jeeda deegaannada Puntland inay xilal ka qaban karaan dowlada Soomaaliya, xilli inta badan wasiirro iyo xildhibaanno badan oo kasoo jeeda Puntland ay dowladda ku jiraan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto midnimada ummada Soomaaliyeed.

Cabdiweli Sheekh iyo wafdi wasiirro iyo xildhibaanno isagu jira ayaa Garoowe u jooga sidii loo soo afkari lahaa khilafka labada dhinac,waxaana laga warsugaya qodobbada ka soo baxay guddiyada labada dhinac shirka uga socda wasaaradda caafimaadka Puntland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!