Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay kormeeray qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir

by wadani | Sunday, Jun 18, 2017

Muqdisho : HN :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kormeeray degmooyinka Wadjir, Hodan, Howl wadaag, Warta nabadda, Yaaqshiid, Waaberi, Xamarweyne, Shangaani, iyo degmadda Cabdalcasiis.

Mudane Kheyre, ayaa warbixino ka dhegeystay saraakiisha ciidamada ee uu kula kulmay waddooyinkii uu kormeerka ku maray, waxaana dhinaca kale uu u kuurgalayay sida ay u socdaan howlgallada xasilinta amniga caasimada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Isgoyska Bakaaraha kula kulmay Ciidamo ka tirsan Howlgalka Xasilinta Amniga Caasimadda oo howlo baarintaano ah xilligaas ku howlanaa, wuxuuna bogaadiyay sida wanaagsan ee ay ciidamadu u gudanayaan waajibaadka qaran ee loo xilsaaray.

Qaar kamid ah Dadweynaha uu Waddooyinka kula kulmay Mudane Kheyre ayaa bogaadiyay go’aanka Xukuumadda ee lagu Xasilinayo Amniga Caasimadda.

Horaantii bishan June, Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo taliyaha Nabadsugida ayaa kormeero ku maray qaar kamid ah isgooysada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa askarta kula afuray isgooyska KM4 ee Muqdisho waxaana uu socod ku maray qaar kamid ah isgooysyada Muqdisho.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah