Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo kulan la qaatay madaxweynaha Jabuuti

by admin | Tuesday, Apr 28, 2015

Djabuuti : HN :–Ra’iisal wasaar ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Max’ed Cumar Carte oo todobaadyadii ugu danbeeyayba ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankan ayaa waxaa ku wehliyay ra’iisul wasaare kuxigeenka wasiirada xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa iyo wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta, waxaana looga hadlay xaaladaha labada dal iyo xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti ka dhaxeeya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa soo dhameystay howlo caafimaad oo u joogay dalka Turkiga, geelle-carte-2kadib markii uu ku dhaawacmay qaraxii Hotelka Central ee dhacay 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha dalka Jabuuti dadaalkiisa hagar la’aaneed uu la garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isagoo sheegay in bulshada Soomaaliyeed aysan marnaba hilmaameyn garab istaagaas.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa dhowaan la filayaa inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, kadib labo bilood oo uu arrimo caafimaad uga maqnaa dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!