Ra’iisal wasaare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degmada Caabud waaq

by Somali | Tuesday, Mar 5, 2013

IMG_7237Caabud-waaq : HN ;   Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo wafdi la socda oo maalintii shalay gaaray degmada Dhuusa-mareeb ee gobollka Galguduud ayaa maanta gaaray magaalada Caabud-waaq ee isla gobollkaas.

Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu soo waramayaa in uu kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiinta maamulka degmada Caabud-waaq iyo qeybaha bulshada isaga oo kala hadalay arrimaha amaanka sharaxaadna ka siiyay siyaasada guud ee dalka iyo guulaha ay gaartay dowladda.

Ka hor wafdiga ra’iisal wasaaraha inta aysan gaarin degmada Caabud-waaq waxaa halkaa u dhaqaaqay oo tagay ciidamo ka tirsan AMISOM iyo cutubyo ka mid ah ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo labo cisho ka hor tagay gobollka Galguduud inta aysan gobollka gaarin wafdiga xukuumada.

Lama oga in booqashada wafdiga ku ekaan doonto safarka uu hadda ku joogo magaalada Caabud-waaq iyo in uu uga sii gudbi doono deeganno kale.

Hiiraan Net

Like it? Share it!