Ra’iisal wasaare Saacid oo soo dhameystiray xubnaha gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya

by Somali | Thursday, Dec 13, 2012 | 1 views

Muqdisho : HN :   Kulan maanta ay ku yeesheen Muqdisho xubnaha gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya lagu soo bandhigay xubno isugu jira wasiir ku-xigeeno iyo wasiirru-dowlayaal dhameystiray xukuumada cusub ee Soomaaliya.

Shirka maanta oo uu guddoominayay ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ahaa shirkii todobaadllaha oo ay Khamiis walba yeelan jireen xubnaha gollaha wasiirrada, waxaana uu halkaa ra’iisal wasaaruhu kaga dhawaaqay magacyada wasiirro ku-xigeenada iyo wasiiru-dowlayaasha.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay 20 wasiir ku –xigeen iyo shan wasiiru-dowle, oo sida uu sheegay dhameystir u noqonaya gollaha xukuumada.

Magacyada wali ma helin waanse idin soo gudbin doonaa haddii ay na soo gaaraan

Hiiraan Net.

Like it? Share it!