Ra’iisal wasaare Sharma’are” waan in gacan nagala siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

by admin | Saturday, Jun 6, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisul wasaaraha xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya,Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa si cad u sheegay dowladda Soomaaliya inaysan kaligeed sii wadi karin dagaalka al-Shabaab,waxuuna beesha caalamka faray inay dagaalka xoojiyaan.

Sharma’arke ayaa sheegay dalka Soomaaliya inuu ka gudbo dhibaatooyin badan oo u hadda ku socdo dhabo kale oo ah mid lugu doonayo dalka inuu noqdo mid xasiloon oo ay dowlad awoodleh ka dhalato.

Wuxuu sheegay Soomaaliya xilligan inay u gudubtay nidaam faderaal ah oo ay dhismeen maamullo kuwaaso qayb ka ah dowladdaRa'iisul_Wasaaraha_Somalia_Muqdisho dhexe,halka uu sheegay inay socdaan dhismayaasha maamullo kale,kuwaaso horay usoo wadaya qorshaha looga dhabeynayo nimadka faderaalka.

Ra’iisul wasaaraha waxuu sheegay waxbadan inay iska badaleen amniga dalka oo tan iyo markii xilka madaxweynaha loo doortay Xasan Sheekh al-Shabaab in laga saaray deegaanno badan oo ay horay u maamulli jireen,tasao ku sheegay inay muujinayso guulaha laga gaaray ammaanka,walow ururka al-Shabaab ay ku sugan-yihiin deegaanno yar oo ka tirsan koonfurta.

Ra’iisal wasaaraha ayaa siddoo kale sheegay in  dagaalka al-Shabaab yahay mid wali taagan ayna ka baqayaan inay dibadda ku baahdo, isagoo xaqiijiyay in Soomaaliya kaligeed aysan awoodin inay ka adkaato balse beesha caalamka uga baahan yihiin in dagaalka laga taagero.

Xukuumadda uu hoggaamiyo ayuu sheegay inay waqti hore soo jeedisay hannaanka isku-dhafka ciidamada oo uu tilmaamay in mar dhow ay doonayan inay dhisaan hal xarun oo laga amro inta aan la gaarin sannadka 2017-ka.

Ra’iisul wasaaraha waxuu sheegay inay filayaan hoos in loo dhigo tirada ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga ayna ku dadaalli doonan dalka inuusan ku laaban xasilooni daradii uu ka soo gudbay.

Sidoo kale,waxuu ka hadlay doorashada la filayo dalka inay ka dhacdo sannadka 2016-ka,isagoona sheegay in qorshaha loogu diyaar-garoobayo doorashooyinka ay meel aad u wanaagsan marayaan,waxuuna inta raaciyay inay maamul gobolleedyo dhiseen, ayna doonayaan in dib u eegid lagu sameeyo Dastuurka KMG oo la doonayo in la soo-gaba gabeeyo akhrintiisa bisha December ee Sannadkan 2015-ka.

Sharma’arke oo u waramayay Al-jazeera ayaa rajo ka muujiyay in guddiga dastuurka ay waddanka gaarsiin doonaan heer ay shacabku codadkooda dhiibtaan, isagoo waddamada Carabta ugu baaqay inay taageerro bani’aadamnimo lasoo gaaraan Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!