Ra’iisal wasaare Sharma’arke” Al-shabaab waxaa ay la mid yihiin Boka Haram iyo Daacish

by admin | Friday, Apr 24, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Shama’arke ayaa ku tilmaamay Al-shabaab in ay la mid yihiin kooxaha Boka Haram iyo Daacish.

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ku sheegay kooxda al-Shabaab mid cabsi gelisa Shacabka Soomaaliyeed balse aan awoodin in dagaal toos ah la galaan Ciidamada dawladda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha oo waraysi siinayay Al-Jazeera TV ayaa sheegay dawladiisu iney dadaal ugu jirto la dagaalanka Al-Shabaab ugana Sharma'arkekkesaari lahaayeen dalka.

”Al-shabaab waa urur argagaxiso waxay laayaan shacabka, waxay la mid yihiin ururrrada Daacish iyo Boko Haram oo iyaguna dhibaato ku haya dalal caalamka ka tirsan”ayuu yiri.

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku sifeeyey Kooxda Al- Shabaab mid tabar daran wakhtigan isla markaana aan lahayn awood ay uga hortagto ciidammada dawlada iyo kuwa AMISOM.

Weerarada Ururka Al-Shabaab ayuu ku sheegay Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid kuwa kusoo koobay dagaalkooda qaraxyo iyo argagaxinta Shacabka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!