Ra’iisal wasaare Sharma’arke iyo madaxweyne ku-xigeenka Kenya oo kulmay

by admin | Monday, Apr 20, 2015

Nairobi : HN :–Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya madaxweyne ku-xigeenka dalkaas William Rutto.

Kulanka ayaa waxaa siddoo kale goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya  Cabdisalaan Cumar Hadliye iyo wasiirada arimaha dibada ee Kenya   Aamiina Max’ed Jibriil, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Kenya iyo qunsulka safaarada soomaalida ee dalka kenya Siyaad Maxamuud Shire .

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wadda hadllayy sidii ley-saga kaashan lahaa ka ha ka hortaga falalka argaggixisada ee ka dhaca
dalalka soomaaliya iyo kenya, dib ucelinta qaxoontiga soomaalida ee kusugan dalka kenya iyo sidii xayiraada looga qaadi lahaa xawaaladaha soomaalida ee ka hawlgala dalkani kenya .

Wasiirka arimaha dibada Ee Soomaaliya mudane Cabdisalaan Cumar Hadliye oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laysku afgartay dhamaan ajandayaashii laga waada hadlay maanta waxaana lafilayaa in dhawaan la dhaqan galiyo dhamaan hishiisyadaasi.

Waxaana go’aamadii ka soo baxay ka mid ahaa in dib loo eego mudadii 90 Maalmood ahayd ee dawlada kenya ay u qabatay in qaxoontiga soomaalida dib loogu celiyo gudaha dalka soomaaliya .

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!