Ra’iisal wasaare Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray dalka Qadar

by admin | Tuesday, Mar 17, 2015

Qadar : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimada dalka Qadar ee Doha.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Qorsheynta, wasiirka Caafmaadka iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo saraakiil kale.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa in maailnta berito ah uu la kulmo dhiggiisa dalka Qatar, si ay uga arrinsadaanSharmaarke xaaladda labada dal, xiriirka ka dhaxeeya iyo sida ay dowladda Qadar  uga qeyb-qaadan karto dib u dhiska waddanka Soomaaliya.

Wasiirada Ra’iisul wasaaraha socdaalkiisa ku wehliya ayaa la filayaa in ay heshiisyo la saxiixdaan wasaaradaha dhiggooda ah ee dowlada Qadar.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha ayaa qaadan doonta muddo sadex maalmood ah, iyadoo inta uu Doha joogana u la kulmi doono Soomalida waddankaa ku nool.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso in ay ku adkeyso xiriirka kala dhexeeya wadamada carabta waxana dhowaan uu madaxweyne Xasan Sheekh ugaga soo qeybgalay dalka Masar kulan ay isugu yimaadeen wadamada carabta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!