Ra’iisal wasaare Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahan magaalada Garoowe

by admin | Monday, Jul 13, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku Wajahan Magaalada Garoowe oo ah Xarunta Maamulka Puntland, halkaasoo wadahadalo uga socdaan Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland.

Safarka RW-ha uu Maanta ku tagayo Garoowe ayaa salka ku haya xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Somalia iyo Puntland, iyadoo Wakiillada Puntland ay qodobbo dhowr ah kasoo saareen doodo maalmihii la soo dhaafay uga socday Garoowe, kuwaasoo ka dhan ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daray in Sharma’arke uu doonayo in xal laga gaari wixii tabasho ah oo ay qabto Puntland, isagoo si gaar ahSharma'arkekke ugala hadli doona mas’uuliyiinta Puntland xiisadda ka dhalatay dhismaha maamulka cusub ee Galmudug, iyagoo ka soo horjeestay in Qaybta ay Mudug ka xukunto Puntland ay hoos-tagto maamulkan.

Xildhibaannada Puntland ayaa sidoo kale diiday Guddiyadii dhawaan uu Xubnaha Golaha Baarlamaanka Somalia Ansixiyeen, kuwaasoo ay sheegeen inay yihiin kuwo aan dastuurka dalka u yaalla waafaqsanayn. Waxay kaloo diideen in dastuurka Somalia wax ka bedel lagu sameeyo.

RW Somalia ayaa bishii Abriil ee Sannadkan booqday tagayo Garoowe, waxaana la filayaa marka uu gaaro maanta inuu kulammo la qaato Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland, iyadoo Maamulka Jubbaland uu horay u sheegay inuu xiriirka u jaray Dowladda dhexe ee Somalia.

Ugu dambeyn, Xiriirka Maamullada Puntland iyo Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa aad u xumaa bilihii lasoo dhaafay, waxaana jiray hadalo kulul oo ay hawada isku marinayeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!