Ra’iisal wasaare Sharma’arke oo furaya wajiga labaad ee shirka Cadaado

by admin | Sunday, May 31, 2015

Cadaado : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay fidsan tahay gogosha shirka maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ra’iisal wasaarha ayaa lagu wadaa in uu daah-furo wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta, kadib markii Guddiga farsamada ay inta badan soo dhameystireen ergadii ka qeyb qaadan laheyd shirkaas oo la doonayo in lagu ansixiyo dastuurka uu yeelanayo Maamulka Gobollada Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu kula kulmo Cadaado wafdiga Wasiirada ah ee ku sugan halkaas, Guddiga farsamada iyo Sharma'arkekkeodayaasha dhaqanka, isagoo dhageysan doona tabashada beelaha qaar ka muujiyeen saami qeybsiga ergada.

Booqashada lagu waddo in ra’iisal wasaare Sharma’arke uu ku tago Cadaado ayaa noqoneysa tii labaad oo ku tago gobolka Galguduud, waxaana uu horay u booqday magaalada Dhuusa Mareeb oo uu horay uga socday shirkii dib u heshiisiinta Beelaha.

Guddiga farsamada ayaa sheegay in wajiga labaad ee shirka inta uu socdo uu bar bar socon doono xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Gobollada Dhexe, kuwaasoo soo dooran doona Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka, kadibna Madaxweynaha la dooran doono.

Degmada Cadaado ayaa waxaa ka jiray dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay dhaq -dhaqaaqyo siyaasadeed, iyadoo magaalada ay isugu tageen dad fara badan oo ka kala yimid gudaha iyo dibada.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!