Ra’iisal wasaare Sharma’arke oo gaaray magaalada Cadaado

by admin | Friday, Nov 27, 2015

Cadaado : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharm’arke iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo xarun KMG ah u ah Maamulka Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in uu Cadaado kula kulmo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug, isagoo kala hadli doona sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehliya Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaasoo qorshahooda yahay 317x219xccc.jpg.pagespeed.ic_.7_iIWFpGiBsoo afjarida xiisada u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka taagan Gaalkacyo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisul Wasaaruhu u gudbi doono magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe, si uu ula kulmo Mas’uuliyiinta Puntland iyo nabadoonada iyo waxgaradka ku howlan dadaalada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaada.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay lagu waday inuu tago Gaalkacyo ayaa ka baaqday, sababo la sheegay in Puntland diiday inuu yimaado, hase ahaatee mar dambe aqbashay wada hadalo kadib.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay nabad u kala dhex dhigi laheyd labada maamul ee deriska ah, kuwaasoo maalmo ka hor ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo.

Hase ahaatee waxaa walaac xoogan laga muujinayaa xiisada dagaal ee wali ka jirta Gaalkacyo iyo abaabulada ay labada dhinac wadaan, taasoo ka dhalatay barakac ballaaran oo ay sameeyeen dadkii deegaanka.

Ugu danbeyntii, dadaal nabadeed oo ay waddaan odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ayaa suura gelin waayay in midba midka kale uu u hogaansamo heshiiskii maalmo ka hor lagu dhawaaqay ee xabad joojinta ahaa iyo in la kala qaado ciidamada is hor-fadhiya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!