Ra’iisal wasaare Sharma’arke oo hay’adda ammniga ku amaanay sidda ay uga jawaabeen…

by admin | Saturday, Jul 11, 2015

Muqdisho : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke oo xalay kulan la qaatay hay’addaha ammniga dowladda Soomaaliya, ayaa ka xog wareystay siddii ay u dhaceen weeraradii mataanaha ahaa ee lagu qaaday labo hoteel oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Sharm’arke ayaa warbixin arrintaa ku saabsan ka dhageystay wasiirka Amniga iyo taliyaha Nabadsugida oo ugacumar-kulan warbixiyay weerarkii labada hotel lagu qaaday.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in kooxaha weerarka ku soo qaaday Hotelada Wehliye iyo Siyaad ay ciidamada ammaanka dhamaantood dileen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay mar walba feejignaadaan, waxaana uu mahad celin gaar ah u jeediyay ciidamada kala duwan ee dowladda ee soo afjaray weerarka.

Dhinaca kale Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga ayaa tagay goobihii ay wax ka dhaceen ee Hotelada Siyaad iyo Wehliye, waxaana ka muuqday bur bur aad u xoogan, waxaana weeraradan ay ahaayeen kuwii ugu xooganaa ee Al-Shabaab ka geystaan Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!