Ra’iisal wasaare Sharma’arke oo ka qeyb-gallay shir looga hadllayo dhaqaallaha bariga Africa

by admin | Tuesday, May 12, 2015

Qadar : HN :–Wadamada bariga Africa ayaa ka shiraya kobcinta dhaqaalaha mustaqbalka,shirkan oo ah mid sanad leh ah,waxaana ka qayb-galaya wafdi ka socda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo uu wehliyo wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiiri-gelinta maalgashiga ,Cabdi Salaan Hadliye Cumar ayaa gaaray wadanka Qadar,halka oo lugu soo dhaweeyay.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha waxaa lugu sheegay inuu ka qayb-galayo shirka kobcinta dhaqaalaha mustaqbalka ee waddamadabariga bariga dhexe,waxaana la sheegay inuu khudbad jeedin doono ra’iisul wasaaraha.

Shirkan waxuu ka furmaya magaalada caasimada ah ee Doha,waxaana la sheegay khudbada ra’iisul wasaaraha inuu diirada ku saarayo arimaha dalka Soomaaliya ee dhanka dhaqaalaha.

Sharmaarke ayaa dhawaan ka sheegay magaalada Muqdisho inay xukuumadda uu hoggaamiyo ay dadaal ku bixinayo sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa ugu baaqay waddamada carabta inay maalgashi ku sameyan Soomaaliya,si dalka uu kor u kaco dhaqaalihiisa oo hadda soo kabana.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!