Ra’iisal wasaare Sharma’arke oo ka tacsiyeeyay dilkii xildhibaan C/llaahi Qayaad Barre

by admin | Monday, Feb 9, 2015

Muqdisho : HN :—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii naxariis darada ahaa ee saaka loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad Barre.

“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Ehelkii, Qaraabadii, Saxiibadii, dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka317x238xSomali_PM.jpg.pagespeed.ic.LoLWrIDGka, dilkii loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad, wuxaana Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo. Xildhibaanku wuxuu ahaa mid u taagan ka shaqaynta danta qaranka, waxaana dilkaan lala beegsaday isagoo ku guda jira waajibaadkiisa shaqo”ayuu yiri RW Cabdiwali oo dhanka kale sheegay in arxan darayaasha gaystay dilka Xildhibaanka la horkeeno cadaaladda, loomana ogolaan karo kuwo ku sifoobay falalka argagaxiso iney hor istaagaan howlaha ay qaranka u hayaan xildhibaandu.

“Waxaan ku boorinayaa Xildhibaanada oo dhan in ay u muujiyaan naxariis iyo geesinimo maanta oo kale oo baroor diiq ah. Waxaan ku boogaadinayaa Xildhibaanda Baarlamaanka sida ay uga go’an tahay fulinta waajibaadka madaniga ah” ayuu yiri RW Cumar.

Xildhibaannka ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho ku toogtay rag hubeysan oo sidda la sheegay gaari, kuwaa oo markii danbe baxsaday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!