Ra’iisal wasaare Sharma’arke oo la fillayo in uu booqdo magaalada Garoowe

by admin | Thursday, Apr 9, 2015

Garoowe : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa lagu waddaa in uu dhawaan booqdo magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland sidda maanta lagu sheegay qoraalka soo baxay maamulka Puntland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Puntland isku diyaarineyso soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha kale ee ka imaanaya magaalada Muqdisho,kuwaaso la sugayo maalmo dhaw in ay soo gaaran magaalada Garoowe.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la fillayaa in uu kulamo la qaato madaxda sare ee dowladda oo u ka mid yahay madaxweyne CabdiweliSharmaarke Maxamed Cali oo la sheegay inay ka wada-hadli doonan arrimo la xiriira labada dhinac.

“Dowladda Puntland waxaa ay caddeynaysa inay isku diyaarisay soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,”ayaa lugu yiri qoraal ka soo baxay shir ay yeesheen wasiirrada Puntland.

Booqashadan ayaa noqonaysa haddii u ku yimaado Puntland midii ugu horreeysay tan iyo markii dhammaadkii sanadkii hore loo magacaabay wasiirka koobad ee xukuumadda.

Safarka la filaya ee ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli ay Puntland ka caraysan-tahay hadal shalay ka soo yeeray madaxweynaha oo sheegay maamulka gobollada dhexe gobolka Mudug in lugu birin doono.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!