Ra’iisal wasaare Sharma’arke oo laga dalbanayo in uu ka fiirsado xukuumada uu soo dhisayo

by admin | Monday, Jan 19, 2015

Muqdisho : HN :–Kaddib markii uu dhawaan kala dirray ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke xukuumadii uu soo dhisay dhawaan, ayaa loogu baaqay in wixii hadda ka danbeeya uu ka fiirsado xukuumada uu mar kale soo dhisayo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo Muqdisho ku shiray ayaa tallo ahaan u siiyay ra’iisul wasaaraha inuu dib u eega magacyada iyo ragga usoo magacaabayo ka hor inta uu san shaacin.

Waxaa ay ugu baaqeen madaxda dowladda in laga baahan-yahay mas’uuliyad inay iska saaran marxalada uu dalka kuSharma'arke_Somalia_New_PM jiro,sida uu saaxafadda u sheegay xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee diiday xukuumaddii hore.

“Xukuumadda cusub waxaa laga raba inay noqoto mid u dheeli taran shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena la rabo in dalka ay gaarsiiso 2016-ka doorashooyin iyo afti dastuur in dalka laga qaado,”ayuu yiri xildhibaan Abshiroow.

Xildhibaanku waxaa uu ku celiyay in ra’iisul wasaaraha ay uga digayaan golaha wasiirrada cusub inuu ku soo daro xubnaha laga digay ee xukuumaddii hore dartood loo diiday in codka lasiiyo.

Ugu danbeyntii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa heysta muddo 14-cisho ah oo uu ku keeno gole cusub oo wasiirro ah, iyadoo waqtiga uu ugu eegyahay ra’iisul wasaaraha 31-Bishan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!