Ra’iisal wasaare Sharma’arke oo maanta ku sii jeeda magaalooyinka Cadaado, Garoowe iyo Gaalkacyo

by admin | Friday, Nov 27, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu horkacayo, ayaa lagu waddaa in maanta u ambabaxay magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Cadaado, si xal looga gaaro dagaallo dhawaan ciidammada maamullada Puntlandi yo Galmudug ku dhexmaray degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

RW Somalia oo Puntland ay shalay ka horjoogsatay inuu tago Gaalkacyo ayaa la sheegay in maanta ay ogolaadeen, kaddib dadaallo lagu

Somalia's Prime Minister Omar Sharmarke responds to questions during an interview with Reuters in Nairobi April 23, 2015. REUTERS/Noor Khamis

Somalia’s Prime Minister Omar Sharmarke responds to questions during an interview with Reuters in Nairobi April 23, 2015. REUTERS/Noor Khamis

bixiyay inaanay hor-is-taag ku sameyn socdaalka ra’iisul wasaaraha Somalia.

Xubnaha wafdiga RW Somalia ayaa waxay isugu jiraan wasiirro iyo xildhibaano; waxaana inta ay socdaalka ku maqan yihiin lagu wadaa inay kulammo la qaataan wax-garadka iyo mas’uuliyiinta deegaannada Galmudug iyo Puntland.

Ugu danbeyntii, inkastoo RW Somalia iyo wafdigiisa aysan la hadlin warbaahinta ayaa haddana waxaa lagu wadaa in marka ay tagaan Gaalkacyo ay ka warbixiyaan safarkooda iyo waxay doonayaan inay ka qabtaan colaadda Gaalkacyo ka taagan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!