Ra’iisal wasaare Sharma’arke oo sheegay in xoogga saarayaa dib u dhiska ciidammada Qaranka

by admin | Saturday, Oct 3, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan Dhismaha Ciidamo Qaran oo awood u leh inay hantaan awooda Dalka, iyaga oo kaashanaya dowladaha taageera Soomaaliy.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo la hadllayay VOA laanSharma'arke_Somalia_PM_FP_HOLta Afka Soomaaliga ku hadasha ayaa waxa uu ka hadlay Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Horumarinta Ciidanka Qaranka.

“Qorshaha ciidammada loo tayeeynayo ma’aha in ay u shaqeeyaan qabiil ama ay la sii dagaallamaan shabaab laakiin, waxaan u tayaynaynaa in mar dambe Soomaaliy ay dhibaato ka dhicin, ciidanka Nuucaas ah waxa ay u baahanyihiin qalab, dhaqale iyo tababar, Dowladaha Aan is leenahay way idinka caawin karaan Arrintaanna waxaa ugu horeeya Dowladda Ingiriiska” Ayuu yiri Ra’iisul waasaare Cumar Cabdirashiid.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid aya sheegay in Dowladdu ay waddo dadaallo lagu xoojinayo Mushaaradka ciidamada Qaranka gaar ahaan in la ilaaliyo waqtiga ciidanka ay qaataan lacagaha Dowladda ay ugu shaqeeyaan.

“Waxaan wadnaa waxa ay hadda helaan ciidamada in la joogteeyo, waxyaabaha aan dhaqaalaha awoodda u siinayno waxa ay tahay in la tayeeyo ciidamada, si dhaqaale fiican u qaataan ” Ayuu yiri markale Ra’iisul waasaare Cumar Cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay Xirooyinka Ciidamada iyo Habka la doonayo in loo tayeeyo si loo ogaado Nolosha ciidamada Qaranka oo ah Awoodda Koowaad ee dadka iyo dalka.

“ Waxaa Noogu Daran oo hadda dhibka naga haysta waxa ay tahay Xirooyinka Ciidamada, Dowladduna waxa ay waddaa qorshe loogu diyaarinayo ciidanka Qaranka xirooyin ay ka heli karaan Nolol wanaagsan Tababarna ay ku qaadan karaan ”Ayuu Yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Ugu dambayntii Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegay in qorshayaashaas ay Dowladdu waddo ay la kaashan doonto Dowladaha caalamka ee taageerada siiya Dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!