Ra’iisal wasaare Sharma’arke ” waqtiga dhiman dalka is badal ayaan gaarsiin doonaa..

by admin | Sunday, Apr 5, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in  xukuumadiisa ka go’an tahay meel-marinta iyo dar-dargalinta howlaha u harsan dowladda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ballan-qaaday in ay dadajin doonan arrimaha dhiman oo ay ugu weyn-tahay sidii loo gaari lahaa doorasho xor ah iyo ammaanka dalka oo noqda mid xasillon.

“Waxaan isku dayeena inan Soomaaliya u forno baal cusub,kaaso badali doona sawirka caalamka uu ka haystay,”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Waxuu sheegay xukuumadda uu hoggaamiyo inay ka go’antahay ka gudbida mar-xaladaha wali taagan oo ay ka mid tahay,ammaankaRa'iisul_Wasaaraha_Somalia_Muqdisho oo an wali saldhigan,isagoo tilmaamay inay socdaan qorshayaal cusub oo wax looga badalayo xaaladda ammaanka.

“Waxaan isku dayeena ammaanka Muqdisho oo waqtigan wanagsan inuu noqdo mid saldhigtay,taaso waxay sahlaysa dalka intiisa kale inuu yahay mid ammaan ah,”ayuu ku daray hadalkiisa.

Ra’iisul wasaaraha waxuu sheegay inay isku dayayaan sidii dalka loo garsiin lahaa doorashada afka laga sheegay ee dalka ka qabsoomaysa sanadka 2016,waxuuna ugu baaqay caalamka inay ka gacasiiya gaarista hiigsiga Soomaaliya.

Cumar meesha kama uusan saarin wax walba in looga gudbi karo isku dubnida dadka Soomaaliyeed,isagoo ugu baaqay in dowladda la garab istaago si loo gaaro waxa la haminayo.

Muddo lix bilood ah ayaa u dhiman dowladda hadda shaqeynaysa,waxaana laga sugaya inay ka gudbato caqabada hortaagan gaarista doorasho xor ah,taaso la aaminsan-yahay inay tahay mid adag oo waqti badan u bahaan.

Qaramada Midoobay ayaa u sheegtay hoggaamiya dalka inaysan dhici doonin waqti loogu daro marka la gaaro xilliga loo ballan-sanyahay doorasho dalka ka dhacda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!