Ra’iisal wasaare Sharma’arke” xildhibaannada diidan xukuumada waan la fariisanayaa

by admin | Wednesday, Jan 14, 2015

Muqdisho : HN :– Xili mucaaradad xoog leh durbaba laga horkeenay xukuumada uu soo dhisay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kaddib kulamo kala duwan oo labadii cisho ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho ay ku lahaayeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha in xildhibaannada diidan xukuumadiisa uu la fariisan doono kana qacin doono tabashadooda.

“Xukuumadda aan soo dhisay waa mid dheelli-tiran, waxaan doonaya in la dhameystiro howlaha harsan, madaama xilliga dowladdu haysato uu yahay mid aad u yar,” ayuu yiri Sharma’arke oo intas ku daray. “waxaa go’aan ku gaaray inaan magacawno wasiiradii xukuumaddii hore, si deggenaasho ay u abuurto.”

Cumar C/rashiid ayaa intaa ku darray in uu rajo badan ka qabo in xukuumada ay heli doonto kalsoonida baarlamaankaSharop Soomaaliya.

Sidoo kale, Sharma’arke oo horraantii isbuucan soo magacaabay wasiirrada xukuumaddiisa ayaa la kulmay cambaareyno kaga imanaya xubnaha ka mid ah baarlmaanka iyo siyaasiyiinta Soomaalihyeed; waxaan waxyaabaha lagu eedeynayo ka mid ah in xukuumaddiisa ay ku jiraan wasiirradii riday labadii xukuumadood ee hore.

Si kasta oo ay tahaba, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay xukuumadda uu Sharma’arke soo magacaabay, iyagoo ka dalbaday inay howlaha horyaalla wax ka qabato.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!