Ra’iisal wasaare Sharma’arke”haddii uusan khilaaf dhicin doorasho dalka waa laga hergalin karaa

by admin | Tuesday, Feb 17, 2015

Canada : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’rke ayaa isaga oo ku sugan dalka Canada sheegay in xukuumadiisa xoogga saari doono hergalinta hiigsiga sanadka 2016-ka iyo doorasho dalka xor ah oo dalka ka dhacda.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo dalka Canada u tagay ka qeyb-gallka aaska hooyadiisa oo dhawaan ku geeriyootay dalkaas ayaa VOA-da uga waramay qorshaha dowladdiisa.

“Waqtiga aad ayuu u yar-yahay, qorshaha miiska noo saaranna waxaa ka mid ah sidii dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho sannadkan2014121563554204719033924178576746 2016-ka, haddii aanu khilaaf dhaxdeena ah iman,” ayuu yiri Sharma’arke.

Ra’iisul wasaaraha Somalia oo labo jeer oo hore soo magacaabay wasiirro ayaa haddana baqdin ka qabsatay inay kalsoonida heli karaan awgeed uu ka laabtay, balse ugu dambeyn wuxuu bishan horraanteedii hor-geeyay golaha baarlmaanka xukuumad dhameystiran, taasoo cod aqlabiyad ah lagu meel-mariyay.

Si kastaba ha haatee, dadka siyaadadda dalka la socda ayaa sheegaya inay xukuumadda cusub yaallaan howlo fara badan oo looga baahan yahay inay qabato ka hor dhammaadka sannadka 2016-ka, si ay dalka doorasho uga dhacdo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!