Ra’iisal wasaare Sharmar’arke” booqashada Erdogan ee Muqdisho waa mid taariikhi ah

by admin | Sunday, Jan 25, 2015

Muqdisho : HN :– Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in booqashada wafdiga Madaxweynaha Turkiga ay Soomaaliya u tahay mid taariikhi ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay kala saxiixdaan mashaariic hor leh oo loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga ay ka duwantahay tii hore ee uu dalka ku yimid, waxaana uu shacabka ka codsaday inay dulqaad muujiyaan xirnaanshiyaha waddooyinka, maadaama ay tahay mid lagu xoojinayo Nabadgelyada Caasimadda, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay maleegayaan Al-Shabaab,sida uu sheegay.

“Runtii farxad ayay noo tahay in markale uu Madaxweynaha Turkiga booqasho noogu yimaado, anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumadda317x238xSomali_PM.jpg.pagespeed.ic.LoLWrIDGka Soomaaliya waxaan uga mahadcelineynaa mashaariicdii kala duwanaa ee ay dalka ka hirgeliyaan, waxaana rajeyneynaa in Mashaariic kale aan kala saxiixano” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in tani ay ka turjumeyso horumarka amniga ee ay dowladdu ku talaabsatay, isagoo xusay in taasi ay suurta gelisay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku yimaado.

“Heshiisyada aan kala saxiixaneyno waxaa ka mid ah iskaashi dhaqaale oo labada dal, sidoo kale waxaaan kaloo kala saxiixan doonaa heshiisyo dhanka amniga ah, madaama dowladda ay ka baxday KMG-nimada, haatanna ay dowladdu dadaal ugu jirto hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka”ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Booqashada uu maanta ku joogo Muqdisho madaxweynaha Turkiga, ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo uu madaxweyne ka socda dal weyn oo ka mid ah dalalka hormaray uu ku tago Muqdisho tan iyo bur burkii dowladdii dhexe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!