Ra’iisal wasaare Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo oo goor dhaw gaaray Dhuusa-mareeb

by admin | Saturday, Mar 7, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :–Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa goor-dhow gaaray Dhuuso-mareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud. Iyadoo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka difaaca Somalia.

Xubnaha safarkan ku wehliya RW Somalia ayaa waxaa ka mid ah labada gole ee dowladda Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo xubno kale, iyadoo la geeyay hoolka shirarka ee Dhuusa-mareeb, halkaasoo uu ka socdo shirka dib-u-heshiisiinta dadka dega gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ra’iisul wasaare Sharma’arke iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay kulammo la yeeshaan mas’uuliyiinta iyo odoyaasha dhaqanka300x300xFC1A32B0-FFD9-4CCE-BF70-0E117025A766_w640_r1_cx30_cy1_cw65_s2-300x300.jpg.pagespeed.ic.TIMiFj5USm gobolka Galgaduud, si loo dadajiyo shirka dib-u-heshiisiinta ah ee degmadaas ka socda iyo in laga wada-shaqeeyo maamul u sameynta gobollada dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Galguduud ee dowladda Somalia, Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa sheegay in socdaalka ra’iisul wasaaraha Somalia uu la xiriiro sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen shirka dib-u-heshiisiinta gobollada dhexe.

“Wafdiga ra’iisul wasaaruhu waxay u yimaadeen sidii shir dib u heshiisiinta ah ee socda ay wax uga ogaan lahaayeen, shirkaasoo 10-kii bishii Jannaayo ee sanadkan uu degmadaas ka furay  magaalada Dhuuso-mareeb,” ayuu yiri Cirfo.

Sidoo kale, Xuseen Cali Wehliye wuxuu xusay in ra’iisul wasaraha Somalia uu laba casho ku sugnaan doono gobolka Gal-guduud, qorshaha socdaalkiisana ay ka mid tahay sidii wax looga qaban lahaa colaadihii degmada Guriceel oo ay dhibaatooyin badan ka dhasheen.

“RW Soomaaliya waxaan kala hadli doonaa sidii nabadgalyo loogu soo celin lahaa Guri-ceel, kaasoo ah qodobka noogu mihiimsan ee aan ra’iisul wasaaraha Somalia iyo wafdigiisa kala hadlii doono,” ayuu hadalkiisa ku daray Xuseen Cirfo.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Galguduud ayaa ka hadlay ciidamo ka socda dalka Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM oo maanta degmada Dhuuso-mareeb gaaray, kuwaasoo uu sheegay inay qayb ka yihiin ciidamada amniga guud ee degmada sugi doona.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!