Ra’iisal wasaare Sharm’arke” dhawaan waxaa la guda-gallayaa dhismaha maamulka G Hiiraan iyo Sh/dhexe

by admin | Sunday, Apr 26, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke ayaa magaalada Muqdisho ka sheegay in xukuumadiisu dadaal ugu jirto dhismaha maamul gobolleedyada dalka si loo hergaliyo nidaamka federaaliisam-ka, isaga oo intaa ku darray in dhawaan la guda-galin doono dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa ku darray in marka la xaqiiqsado ka miro dhalinta shirka ka soconaya magaalada Cadaado ee maamulka loogu sameynayo gobollada Mudug iyo Galguduud, kaddib la guda-gali doono dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin labada gobol Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

”Waad og-tihiin xukuumada waxaa ay aad mashquul ugu tahay xaqiijinta hergalinta nidaamka federaalka iyo dhismaha maamul Sharmaarkegobolleedyada dalka, hadda waxaa ka socda Cadaado shir dowlad gobolleed loogu dhisayo Galguduud iyo Mudug, shirkaa kaddib waxaa xigi doona dhismaha dowlad gobolleed ay wadda dhisnayaan ama ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayuu yiri” ra’iisal wasaare Sharma’arke.

Inkastoo ra’iisal wasaare Sharma’arke uu arrintaa ka dhawaajiyay haddan siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Hiiraan qaarkood waxaa ay qabaan in gobolka Hiiraan ka kooban yahay labo gobol oo kala ah Hiiraan iyo Shabeellaha sare, islamarkaana bulshada ku dhaqan diyaar u yihiin in ay sameystaan dowlad gobolleed ay ku mideysan yihiin labadaas gobol, madaama dastuurka dalka uu dhigayo in dowlad gobolleed noqon karaa labo gobol iyo wixii ka badan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!