Ra’iisal wasaare Sharm’arke” diyaar ayeeynu u nahay fulinta qodobada xalka looga gaaray Mooshinka

by admin | Wednesday, Oct 14, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arkeoo maalintii shalay ka hadllayay kulankii lagu saxiixay qodobadii is afgaradka looga gaaray mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweynaha, ayaa sheegay in dhinacooda diyaar u yihiin fulinta qodobada lagu hishiiyay.

“Waa u mahad celinayaa arrintii uu soo jeediyay Guddoonka Baarlamaanka, anaga ka xukuumad ahaan waa fulineynaa qodobada lagu heshiiyay, waxaana balan qaadeynaa in wasaaradaha ay quseyso ay fulinayaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Somalia's Prime Minister Omar Sharmarke responds to questions during an interview with Reuters in Nairobi April 23, 2015.  REUTERS/Noor Khamis

Somalia’s Prime Minister Omar Sharmarke responds to questions during an interview with Reuters in Nairobi April 23, 2015. REUTERS/Noor Khamis

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa ku darray in wasiirrada xukuumada  ay dib ugu celin doonaan heshiiskaas Baarlamaanka wixii ka qabsoomay.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in dib loo soo celin doono dhamaan hantidii dowladda ee la iibsaday ama la bixiyay wixii ka dambeeyay 1990, waxaana qodobkan loo arkaa mid aad u xasaasi ahaa oo ahaa mid bulshada hadal heysay.

Sidoo kale qodobka kale ee muhiimka ahaa waxaa ka mid ah dib u eegis lagu sameeyo magacaabista Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Dadka odorasa siyaasada ayaa macna ahaan qeexaya in qodobada qaar ee heshiiska laga soo saaray ay si maldahan ugu qeexan tahay qiyaano qaran, marka loo eego qodobada lagu heshiiyay oo loo arko mid ku socota madaxweynaha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!