Ra’iisal wasaare Sharm’arke oo booqanaya xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya

by admin | Friday, Nov 6, 2015

Kenya : HN :–Ra’iisal Wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/rashiid Cali Sharm’arke ayaa markii ugu horeysay booqanaya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee W/Bari dalka Kenya, kaddib markii uu shalay ka wuxuu bilaabay booqashooyin uu ku tegayo, qaar ka mid ah dalalka ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaalida ah oo Kenya ay ka mid tahay.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho waxaa shalay gelinkii dambe ka ambabaxay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, kuwaasi oo ka degay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya isla marRW_Somalia_Cumar_C_Sharmaarke_660kaana waxay booqanayaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab gobolka W/Bari ee dalkaasi si ay ugu kuur galaan xaaladda halkaasi ka jirta.

Wafdiga kala duwan ee saddex gesoodka ah ayaa qiimeynaya qaxootiga doonaya inay dalkooda dib ugu laabtaan, kuwa dooranaya inay halkooda sii joogaan, iyadoo dowladda Kenya ay horay u sheegtay in 5-Kun qof ay diyaar u yihiin iay dalkooda ku laabtaan.

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid lama sheegin mudada uu halkaasi joogayo, hase yeeshee kormeerkiisa ayaa yimid wax ka yar 48-saac markii madax ka tirsan dowladda Kenya ay booqdeen halkaasi, iyadoo war ka soo baxay maamulka Nairobi uu sheegay in 500-qaxooti Soomaaliyeed ah ay diyaar u yihiin inay dalkooda dib ugu laabtaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!