Ra’iisal wasaare Sharm’arke oo dhagax-dhigay safaarada Soomaaliya ee Kenya

by admin | Saturday, Nov 7, 2015

Nairobi ” HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arkei ayaa dhagax dhigey dib u dhis lagu sameynayo safaarada ay dowlada Soomaaliya ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xafladda dhagax-dhigga ee dib u dhiska safaaradda ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin uu hoggaaminayay ra’iisul wasaareCumar-Cabdirashiid Sharmarke . madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ganacsatada Soomaalida ee magaalada Nairobi.

Ra’iisul wasaare Sharmarka ayaa mahad ballaaran u soo jeediyey mas’uuliyiintii iyo dadkii gacanta weyn ka qaatay dib u soo celinta dhulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, isagoo sheegay in xukumaddiisu ay wado dadaallo badan oo dib loogu dhisayo safaaraddiihii ay Soomaaliya ku leedahay caalamka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa bulshada Soomaaliyeed ku booriyey in door ka qaataan dib u dhiska safaaradda oo uu sheegay in lacag badan ay ku bixi doono.

Dhulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa gacanta dowladda Soomaaliya ugu soo laabtay sanadkii 2010-kii kaddib dacwad dheer oo lala galay nin Hindi ah oo dhulkaasi iibsaday billowgii sagaashameeyihii.

Hiiraan Net./

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!