Ra’iisal wasaare Sharm’arke oo ka hadlay wada-hadalo u furmaya Galmudug iyo Ahlu Sunna

by wadani | Saturday, Dec 12, 2015

Muqdisho : HN :– RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke  ayaa war-saxaafadeed xafiiskiisa ka soo baxay maanta waxaa uu ku sheegay in uu soo dhaweynayo wadda hadallo lagu waddo in uu furmo maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca, isla markaana rajo wanaagsan ka muujiyay inay wadahadaladan noqdaan kuwo miro-dhal ah.

Sidoo kale, Sharma’arke ayaa wuxuu maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Wal-jamaacah ugu baaqay dhinacyada in 20151212635855157990880724Galmudug_iyo_Ahlusunna_Wadahadallo_660ay muujiyaan, dabacsanaan, isku dhego-nuglaan, Soomaalinimo iyo inay ka miro-dhaliyaan wadahadalladooda.

“Waxaan rajeynayaa in wadahadalladaas ay miro-dhalaan, ka xukuumad ahaana waxaan la garab is-taagi doonaa taageeradeenna,” ayuu yiri RW Cumar oo ku boorriyay; siyasiyiinta, wax-garadka iyo nabad-doonnada Soomaliyeed inay u muujiyaan wadahadaladaas taageero buuxda.

Dhanka kale, Sharma’arke ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Federaalka Somalia ay ka qaadan doonto kaalin mug leh fududeynta wadahadalkan iyo ka mira dhalinta shirkaasi, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in laga gudbo khilaafka loona gudbo is-faham iyo wax-wada-qabsi.

Ugu dambeyn, Maamul-goboleedka Galmudug ayaa horay heshiis ula galay garab ka mid ah garabyada Ahlusunna Wal-jamaaca ee gobollada dhexe, inkastoo ay heshiiskaas kasoo horjeesteen garabka kale oo la filayo inay haatan wadahadallo u furmaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!