Ra’iisal wasaare Sharm’arke oo leyska hortaagay safar uu ku tagi lahaa Gaalkacyo

by admin | Thursday, Nov 26, 2015

Muqdisho : HN  :–Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya uu ka baaqday safar la filayay in uu maanta ku tago magaalada Gaalkacyo kaddib markii ay Puntland is hortaag ku sameysay.

Puntland ayaa sheegtay in imaashiyaha ra’iisal wasaaraha ee Gaalkacyo wax micno ah u sameyneynin Sharma'arkekkexiisada colaadeed ee ka taagan magaalada, siddaa daraadeed marnaba aqbali doonin safarkiisa Gaalkacyo.

Sidoo kale, wararkan ayaa sheegaya in RW Somalia uu kusoo laabtay xafiiskiisa, inkastoo uusan weli si rasmi ah uga hadlin sababta keentay inay diido Puntland safarkii uu maanta ku tegi lahaa xarunta gobolka Mudug.

Ra’iisal wasaaraha  ayaa waxaa safarkaan ku wehlin lahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xubno kale tirsan baarlamaanka Somalia, waxaana qorshaha ay u tagayaan Gaalkacyo uu ahaa in xal laga gaaro dagaalladii dhawaan ka dhacay.

Tan iyo saakay ayaa waxaa Muqdisho iyo Gaalkacyo ka socday qaban-qaabo safarka RW Somalia uu ku tagayo Gaalkacyo loogu diyaar-garoobayay; balse RW Somalia ayaa kasoo laabtay garoonka Muqdisho, kaddib markii Puntland ay diidday safarkiisa Gaalkacyo.

Ugu dambeyn, waxgaradka, culummada, ganacsatada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa maalmahan waxay wadeen baaqyo ay Puntland iyo Galmudug uga dal-banayeen in la joojiyo gacan-ka-hadalka, wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo wadahadal.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!