Ra’iisal wasaare Sharm’arke oo Muqdisho ku laabtay islamarkaana guddi u saaray colaada Gaalkacyo

by admin | Saturday, Nov 28, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar hal maalin uu ku tagay Cadaado iyo Garowe ayaa sheegay inuu Guddo u magacaabay xalinta colaada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa sheegay in ujeedada safarkiisa Cadaado iyo Garoowe uu ahaa xalinta colaada ka taagan Gaalkacyo, waxaana uu xusay inuu la soo kulmay Madaxweynaha Galmudug iyo Puntland.

“Labada Madaxweyne waxay iga ogolaadeen inay magaalada Gaalkacyo tagaan, si colaada loo joojiyo, in ciidamada la kala qaado, inSharma'arkekke dadkii barakacay la soo celiyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in guddiga uu u magacaabay xalinta colaada ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo taliyaha Ciidamada xoogga dalka, waxaana uu rajo ka muujiyay in la soo afjaro colaada.

Sidoo kale waxaa uu u mahad celiyay marwooyinka madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo iyana xusay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaalada nabadeed, isla markaana ay tagayaan Gaalkacyo.

Dagaalo cusub oo u dhaxeeyay Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxayna dagaaladan ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!