Ra’iisal wasaare Sharm’arke oo ugu baaqay qaxootiga Soomaliyeed in ay dalkooda ku soo laabtaan

by admin | Saturday, Nov 7, 2015

Dhadhaab : HN :– Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke iyo wafdi ballaaran oo uu hogaminayay oo maalintii shalay booqasho ku tagay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, ayaa ugu baaqay qaxootiga Soomaaliyeed in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Ra’iisal wasaaraha waxaa safarkiisa Dhadhaab ku wehlinayay wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen, boqsho-dhadhab-2wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa, wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte, wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraha iyo howl-wadeennada safaarada Soomaaliya ee Kenya.

Siddoo kale, waxaa safarka qeyb ka ahaa madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe, oo sheegay in ka maamul ahaa dib-u-dajin u sameyn doonaan dadka ka soo guryo noqonaya xeryahay Dhadhaab ee dalka Kenya.

Safarka ra’iisal wasaaraha uu ku tagay xeryaha ay ku nool yihiin qaxootiga Soomaalida ayaa noqonaya mid taariikhi ah waxaa siweyn halkaa ugu soo dhaweeyay Soomaalida qaxootiga ah ku faraxsanaa in ay halkaa ku booqdaan madax Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!