Ra’iisal wasaarihii Itoobiya oo is casilay

by wadani | Thursday, Feb 15, 2018

Addis Ababa : HN : -Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in rai’sul wasaaraha dalka uu gudbiyay iscasilaadiisa.

Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee People’s Revolutionary Democratic Front.

Ilaa iyo haatan lama sheegin sababta ka dambaysa is casilaadiisa.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay kumannaan kalana waa la xirxiray saddexdii sano ee ay socdeen dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladdiisa.

Xisbiag haya taladda dalka Itoobiya ayaa ku kala qaybsamay qaabka loo wajahayo dibadbaxyada socda.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!