Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo ka tacsiyeeyay geerida Sh Rashid Bin Maxamed Bin Rashid Al Makhtoum

by admin | Saturday, Sep 19, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Ca642x502xRa_iisul_Wasaare_Cumar.jpg.pagespeed.ic.q66THJNfO3bdirashiid Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta U.A.E oo wiilkiisa Sheekh Rashid Bin Maxamed Bin Rashid Al Makhtoum uu ku geeriyooday maanta magaalada Dubai.

“Innaa lillaahi wa inaa Illeyhi raajicuun, waxaa na soo gaartay geeri naxdin leh oo ku timid alle ha u naxariistee Sheekh Rashid, waxaana alle uga baryeynaa inuu janadiisa ka waraabiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Isaga oo sii hadlaya ayaa waxa uu yiri.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga, kan Xukuumada iyo midka Soomaaliyeed, waxaan si gaar ah halkan tacsi ugu dirayaa Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Rashid iyo dhamaan Qoyska, Qaraabada iyo shacabka Imaaraadaha Carabta U.A.E” ayuu yiri ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!