Raisulwasaaraha oo la kulmay safiirka dowlada Iimaaraadka Carabta

by Yahye | Monday, Jan 19, 2015

Muqdisho; HN- Raysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdulrashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee dalalka Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga hadlay arrimo muhiim ah oo ka qeyb-qaadanaya xasilloonida Soomaaliya, waxaana ka mid ah dib-u-dhiska hay’adaha dawladda iyo gacan siinta adeegyada bulshada, la dagaallanka burcad badeedda. Waxyaabaha sida gaarka ah diiradda loo saaray ayaa ah arimaha amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ma ahan mid billow ah, waa mid soo jiray qarniyaal. Waxaa labada dal ka dhexeeya walaaltinimo, dalkani waxaa uu isgarab taagay Soomaaliya xiligan iyo muddadii ay dhibaatooyinka xooggani ka jireen dalka Soomaaliya. Waxaana ay naga taageeri doonaan xasilloonida iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya,” ayuu yiri raysul wasaaraha.

Dhinaca kale, safiirka dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, danjire Mohamed Al-Cutmani ayaa ballanqaaday in ay diyaar u yihiin taageerada Soomaaliya oo xilligan kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii soo gaaray tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

“Waxaan diyaar u nahay isgarab taagga Soomaaliya, waan sii xoojin doonnaa taageerada kala duwan ee aan ugu tala galnay dalka Soomaaliya. Waxaa muuqata in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay wadadii dib-u-dhiska,” ayuu yiri danjire Mohamed.

Raysul wasaare Cumar Cabdulrashiid ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo la qaadanayay qaar ka mid ah danjirayaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya sida Mareykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Sweden, Wakiillka QM ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub, Wakiilka Midowga Africa.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!