Raisulwasaare Cabdi weli oo ogolaaday in gobolka Mudug 2-loo qeybiyo

by Yahye | Tuesday, Oct 14, 2014

Garowe; HN;- Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in dowlada federaalka iyo maamulka Puntland aay kala saxiixdeen heshiis lagu qancinayo Puntland.

Raísulwasaaraha Somaliya Cabdiweli oo saxiixay heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa danjirayaasha qaramada midoobay iyo iyo kan ururka Igad.

Qodobada la saxiixay ayaa waxaa ka mida in gobolka Mudug loo qeybiyo 2-qeybood iyadoo qeybna la raacinayo Puntland qeybna la raacinayo maamulka gobolada dhexe,  iyo in gudi loo saaro soo baara tabashada Puntland.

Heshiiskan ayaa wuxuu furayaa wado cusub oo ah in gobolo badan labo loo qeybiyo,  waxaana ugu horeyn doona gobolka Hiiraan, sidaasna wuxuu ku noqon doonaa maamul goboleed goonidiisa u taagan.

Heshiiskan oo ah mid sidii aay doontay ugu hirgalay maamulka Puntland ayaa laga war dhowrayaa xildhibaanada baarlamaanka sidey u arkaan.

Qodobada lagu heshiiyey oo dhameystiran la soco wraraka dambe

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!