Raisulwasaare Cumar C/rashiid oo si rasmiya ula wareegay xafiiska raiulwasaaraha

by Yahye | Thursday, Dec 25, 2014

Muqdisho: HN:- Ra’iisal wasaaraha cusub Ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa kagala wareegaya ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Max’ed.

Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa shalay codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii uu hortagay.

Xarunta Madaxtooyada ayaa lagu qabtay xaflad xilka ay ku kala wareegayaan Labada mas’uul ee isbadalaya,waxaana ku sugnaa madasha mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowlada.

RaisulwasaareRa’iisal wasaarihii kalsoonida waayay C/wali oo ka hadlay madasha xil wareejinta ayaa shaaca ka qaaday inuu maanta xilkii cuslaa iyo amaanadii Shacabka uu ku wareejinayo ra’iisal wasaaraha cusub ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha,isagoona kula dardaarmay inuu howsha si waaqsan dastuurka dalka u gudo.

C/wali Sheikha ayaa meesha kaga baxay khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud,wuxuuna xafiiska joogay mudo hal sano ah.

Cumar C/rashiid ayaa noqonaya ra’iisal wasaarihii seddexaad ee uu soo mgacaabo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!