Raiulwasaare Sharmarke oo baarlamaanka ka codsaday inay ansixiyaan gudiyada cusub ee qaranka

by admin | Sunday, May 10, 2015

Muqdisho: HN: – Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka dalbaday baarlammaanka Soomaaliya inuu dhakhso u ansixiyo guddiyada qaran ee ay xukuumaddu meel-marisay dhawaan.

Golaha wasiirrada ee Soomaaliya ayaa Khamiistii tagtay meelmariyay guddiyada garsoorka, doorashooyinka iyo xudduudaha ee Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa sheegay in ansixinta saddexda guddi ay saldhig u tahay in la gaaro hiigsiga Soomaaliya ee sannadka 2016-ka.

Sharma’arke ayaa dhinaca kale tilmaamay inay xukuumaddu abuurayso ciidammo gaar u tababarn oo beegsan doona malleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo dhawaan dhamaysan doona tababar u socda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu baarlammaanku ku yeeshay Muqdisho oo uu xildhibaannada ugu faah-faahiyay qorshe-hawleedka xukuumadda.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!