Rasaas goos goos ah oo laga maqlay dulleedka magaalada Gaalkacyo

by wadani | Sunday, Oct 9, 2016

Gaalkacyo : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay rasaas goos goos ah isku weydaarsanayaan ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ee magaaladaasi ku dagaallamay.

Dadka deegaanka Qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegaya in rasaasta laga maqlayo halka ay isku horufadhiyaan ciidamada Labada dhinac.

Inta badan xaafadaha magaalada Gaalkacyo waxaa ka barakacay shacabkii degganaa kadib markii ay ka baqeen in dagaalladaasi ay saameyn xooggan ku reebto.

Dagaallada Gaalkacyo ayaa saameyn ku yeeshay ganacsigii magaaladaasi iyo sidoo kale xarumihii Waxbarashada Gaalkacyo, iyadoo weli aaney muuqan dadaallo rasmi ah oo xal looga gaarayo dagaalladan.

Ugu danbeyntii, maamulka Puntland ayaa horay u sheegay in magaalada Gaalkacyo ay kula dagaallamayaan ciidamada Al-shabaab, balse Galmudug waxay weerarkaasi ku tilmaantay mid lagu diidan yahay nabadda iyo horumarka magaaladaasi.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!