Rasaas iyo madaafiic culus oo aroornimadii hore ee saakay laga maqlay degmada Baraawe

by admin | Monday, Oct 6, 2014

Baraawe : HN :– Wararka naga soo gaaray saakay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay in saakay degmada ku waabariisatay dhawaqa rasaas culus iyo madaafiic laga maqlayay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana jira warar kala duwan oo ka soo baxaya arrintaa.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada oo warbaahintu la hadashay ayaa sheegay in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM ooBalcad tan iyo shalay ku sugnaa dulleedka magaalada Iska horimaad culus kala kulmeen xoogag ka tirsan Al-shabaab kadib markii ay damceen in ay u soo dhaqaaqaan ciidammada gudaha magaalada.

Laakiin guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Max’ed Siddii oo la hadllay warbaahinta ayaa beeniyay arrintaa iyada ah, isaga oo sheegay in rasaasta la maqlayay iyo madaafiicda intab ridayeen ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo sidda uu hadalka u dhigay ka shakiyay doomo marayay badda.

Jawiga degmada Baraawe ayaa wali qasan, waxaana ay dadku shaki badan ka qabaan in qeybo ka mid ah magaalada wali ku harsan yihiin xoogaga ka tirsan Al-shabaab oo u diyaar-san in ay ka hortagaan ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!