Raysul wasaare Cabdiweli oo la kulmay madaxweynaha Burundi

by Yahye | Thursday, Oct 16, 2014

Bujumbura; HN;- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza, ku-xigeenkiisa iyo xubno kale kula kulmay magaalada Bujumbura ee caasimadda u ah dalka Burundi.

Kulamada waxaa raysul wasaaraha ku wehelinayay wasiiru-dowleyaasha arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga, iyo danjiraha Soomaliya u fadhiya Bujumbura, Abshir Xasan Abshir.

Waxay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal, maalgashiga iyo ganacsiga.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka warbixiyay horumarrada ka socda Soomaaliya, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shaabab, isagoo xusay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay inta badan gobollada dalka ka saareen Al-Shabaab.

Raysul waraasaraha ayaa bogaadiyay ciidanka Burundi ka jooga Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay inay naftooda u soo hureen si dib loogu soo celiyo xasilloonida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday eedeynta ay hay’adda xuquuqda aadana ee Human Rights Watch u jeedisay ciidanka AMISOM ee la xiriirta in ay kufsi ka gaysteen Soomaaliya, waxayna isku waafaqeen inay sameeyaan guddi baara arrintaas.

Burundi waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 5,000 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!