Reer Awdal oo Cambaareynaya Mudaharaadka Lagu Muduharaadey Madaxweyne Hassan Sh. Mohmoud‏

by Yahye | Monday, Aug 11, 2014

Carab iyo Labadiisa Daan Baa Is Qaniina-Hadana is Qaboojiya

“Kur Waayeelna Waa Wada Indho”

Maahmaahahan Soomaalidu waxa ay isticmaasha marar badan, gaar ahaan marka labo qof ay is qabtaan ama nin iyo ooridiisa deelqaaf dhex maro. Waana xikmado macne badan huwan, siyaabo kala duwana loo isticmaalo. Waxase Ayaan daro ah marka arini dhex marto carab iyo daan, in dabka lasii huriyo ama xanuunka la badiyo.

Arinkaasi waxa uu dhacaa, marka xurguf dhex marto labo nin oo laf dhabar u ah beelo meel wada degan oo oodwadaag ah waliba dhib iyo dheefba wadaaga, in rag kale oo labada is qaniiney aan midna aheyn ay ka dhex mudaharaadaan iyakoo leh beesha caalamka u dacwoo,  kor u qeyli oo weliba boodhadh qaado, aduunkana u sheeg in aad daanka ka maarantey, step-down daan…iwm.  Isla markaana nimankaasi dabka hurinaya ay fidnada safka hore joogsadeen, sawirkana isku dhigeen.

Waliba waxa Ayaan darro ah in ragga maanta carab iyo daan isqaniiney, isku mudaharaadinaya in ay yahiin kuwii kasoo shaqeeyey kuna dhaartey nabadeynta dalka Soomaaliya. Dalkan oo mudo 24 sanadood ah dagaalo iyo bur-bur ku jirey, maantana aanan qaadi kareyn dhibaato dambe iyo tafaraaruq. Waa Ayaan daro iyo ciilkaambi in is maandhaafka ama ceebta raggaasi walaalaha ah ee jecel in ay isku-tashadaan in la feydo oo waliba dalal shisheeye lala tago

Hadaanu nahey Rer Awdalland, waxa aanu cambaareyneynaa, falkaasi xun ee ay ku kaceen nimankaasi ku mudaharaadey Hassan Sheekh Mahmoud, Dr Beile iyo Abdi Rashid Ali Sharmaarke. Waxanu leenahey nimankaasi maaha kuwo ka talinaya nabad, maahan kuwo matali kara beelahA ay kasoo jeedaan. Maaha niman leh tayo siyaasadeed, horena wey ugu fashilmeen qaran-dhiska.

Sidoo kale Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “kur waayeel waa wada indho”. Somali oo dhana waxa ay dhaleeceyneyaan dhacdadaa foosha xun ee wadan shisheeye lala tegey, ee waliba carab iyo daan halkii gogol nabadeed looga fidin lahaa fidno laga sii dhex abuuro.

Waxanse maqaalkan u qorey, dadka Soomaalida ah in aan xasuusiyo cawaaqibta ka dhalata mudaharaadyada wadamada dibada ah lala tegeyo, ee lagu mudahaardayo madaxweyne iyo wafti qaran. Waxa ka dhasha Kow: dawladaada oo aduunku mar walba ugu cago jugleeyo-Heeeey dadkaaguba kulama socdaan Labo: in dadka khaayimiinta ah ay fursad u helaan-siyaasada kala qeybi oo maamul iyo waliba. Saddex: in la isku xuuxiyo carab iyo daan marwalba, oo mar walba la yiraahdo, hadaad carabow is waashid, daanbaa baa jooga, waar adna hadaad daanoow is waashid sidoo kale. Afar: in labadiinuba aad qadaan, ileyn gartiinii geed-kalaad geyseene.

Reer Awdalna waxa lagu yaqaaney waligood gogol nabadeed iyo turxaan bixin marka Somali is qabato. Waxa taariikhda u gashey in Nabadeynta Somaliland ay laf dhabar u ahaayeen, waxa marag ma doonto ah in Nabadeynta Somalia ay rag badan hadh iyo habeen u heelan yihiin-iyaga oon wax xil ah ama dhuuni ah aan rabin, qaar badana iyaka oo waajibkoogii nabadeynta gudanaya ay ku naf waayeen….sida General Yusuf Talan oo aan ilaa maanta la isweydiin muxuu ku dhintey. Sidoo kale waxa markhaati marag madoon ah in markii la xulayey baarlamaanka Federaaliga-Somaliya, in aduunku adeegsadey ama raacey raadkii Borama Census….RaadRaacaasi oo ilaa manta lagu dhigo Jaamcadaha ugu waaweyn aduunka…sida Institutes of African Studies iwm.

Asal- Fasal iyo dhaqan uma laha in ay dab huriyaan niman aan beesha matalin, xaq uma laha in ay huwadaan astaanta ama calanka Awdalland ama in ay isku dayaan in astaanta reer Awdal ay ku dhibaateeyaan Midnimada Soomaaliyeed.

Nimankaasi dabka hurinaya oo mar walba dhuuni dhaan raac ah, beesha gudaheedana khasaare iyo xasad mooyee aan faaido la dhex joogin, Kalmada haneynta la yiraahdana ay ka dhoohanyihiin. Waayo hadii xataa in yar oo xushmo iyo xeerini ku jirto ama qabiilba ay xeerinayaan waxa ay aheyd in Wasiir Beileh ay sooryo iyo soo dhoweyn u sameeyaan, inta ay boodhadh Somalinimada gef ku ah ay sidii dibjirka dibadaha la joogsanayaan.

Hadaanu nahey beesha Awdalland , waxaanu leenahey carab iyo daan nama kala xigaan, labaduba waa walaalahayo, buurna kuma tiirsanin ee anagaa buura. Waxan mar walba u taagan nahey in marka labo is qaniinaan aanu gogol nabadeed iyo si xushmad iyo karaamo leh aanu u kala turxaan bixino.

Sidoo kale Puntland, South-Central Somalia, Jubaland, Somaliland iyo Awdal-land shantaba waxaanu leenahey Soomaali waa ul iyo diirkeed, meelna ma kala tegeyso, maantana waa federaali ee Bahasha dhulka dhiga oo  marka arini murugto geedka geeya. Hawlahana ka daaya dhabaqa, dhaan-dhaaminta iyo dhuuni-raaca.

Ugu dambeyn, waxaanu xaal marin ka bixineynaa falkaa foosha xun ee ay ku kaceen calooshooda u shaqeystayaashaa sheeganaya magaca beeshayada-oo ku caan baxdey Nabada. Kuwaasoo hadana foodhi iyo aflagaado la tegey Mareykan, Handacadooduna waxa weeye maxaan kursi u waayey ama kan inaadeerkaa ah ee libinta heley ha u quudhin ee ka riixo……….wax kale maaha shaqadoodu…Kow maaha oo labo maaha oo saddex maaha…Waxanse Ragaasi usheegayaa in maanta la wada arkey…ileyn kur waayeel waa wada indhoe……beeshuna ay ogtahey…..Hadii ay joojin waayaan ficildan ama maleeg-maleegan xun ee sharafta, maamuuska iyo midnimada Awdalland dhaawacaya in ay fududahey sida la iskaga kiin qabto.

 

Qore: Nabadoon Rer Borama ah.

Ah oo leh “Awdal Waa Buurta Shanaad ee Soomaaliyeed, ee Buur Kuma Tiirsana, buurahana uma kala hiilino ee waanu isku heynaa……

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!