Ridwaan Xirsi” ma jiro khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha

by admin | Sunday, Sep 21, 2014

Muqdisho : HN :– Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn warbaahinta Soomaalida u hadal hayeen khilaaf la sheegay in uu soo kala dhax-gallay madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo ra’iisal wasaare C/wali tan iyo markii xilka laga qaaday agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka, ayaa waxaa arrintaa beeniyay waxba kama jiraanna ku tilmaamay ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumada Ridwaan Xirsi Max’ed ayaa sheegay in arrinta ku saabsan xil ka qaadistii Agaasimihii Hey’adda Nabadsugida qaranka uu ahaa go’aan xukuumada qaaday, markii dambena arrintaas si wanaagsan u dhamaatay.

“Waxaa rabaa inaan ka hadlo wararkii maalmahan u dambeeyay ee saxaafada aad uga hadleysay waa ognahay saxaafada hadii war weysoRidwaan-xirsi-maxamed2 meel kale ayay war ka dhigataa arrinta ku saabsan agaasimihii Nabadsugida runtii go’aan golaha wasiirada ka so baxay ayaa xilka looga qaaday, qaabab kala duwan looga hadlay dadka inay gaarsiiyeen ilaa heer khilaaf madaxda sare soo dhex galo, waxaa cadeynayaa in warkaas waxba ka jirin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Ridwaan Xirsi Maxamed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu markii dambe ka hadlay habraaca iyo sharciga loo maray arrintaas, isla markaana arrintaas si wanaagsna ku dhamaatay, madaxweynahana uu xeer ka soo saaray.

“Waxaa jecelahay in Agaasimaha mudadii yareyd ee uu joogay inuu wax badan qabtay, qaldadaad yar waa dhaceen, waana la saxay, runtii shaqo xoog leh ayuu qabtay, ammaanka magaaladana waa muuqday, waxaa rajeyneynaa in mas’uulka dambe ee la magacaabi doono inuu howshaas dar dar geliyo”ayuu yiri Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisal wasaare C/wali ayaa dhawaan isaga oo ku sugan magaalada London waxaa uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo kala dhaxeeya madaxweynaha laakiin sidda uu hadalka u dhigay mar marka qaar la kala aragti duwanaan karo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!